Turkiga Oo War Kasoo Saaray Dadkii Lagu Laayay Gololeey

0
383

Turkiga Oo War Kasoo Saaray Dadkii Lagu Laayay Gololeey

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u Cambaareysay dhacdadii naxdinta laheyd ee maalmo kahor lagu dilay 8 qof oo shaqeynayay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin falkaas lagu dilay dhalinyarada, iyagoona ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid Baahalnimo ah oo lagu xasuuqay dad shacab ah.

Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay deegaanka Gololeey iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Turkiga uu Alle uga baryay dadkaas inuu Janada ka waraabiyo.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa Falkaas Bahalnimadda, waxaana u tacsideynaynaa Walaalaha Soomaaliyeed iyo DFS, waxaana Allaha uga baryeynayaa inuu Marxuumintaasi ka waraabiyo Naxariistiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay falkaas lagu dilay ragga dhalinyarada ahaa, hayeeshee waxaa socda baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo cida ka dambeysay, isla markaana ay wadaan Guddiyo kala duwan oo baaritaanka loo xil saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here