Madaxweynaha Turkiga Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Kulmaya

0
364

Madaxweynaha Turkiga Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Kulmaya

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu ula kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaai Farmaajo.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo u soo diray dhambaal Casuumaad ah, taasi oo Madaxweynaha loo soo raacsiiyay qalabkii Caafimaad ee shalay Turkiga uu ku wareejiyay dowladda Federaalka.

Agaasimaha Isgaarsiinta ee Madaxtooyadda Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in dhambaalka loo soo diray Farmaajo ay ku jirtay tacsi loo diray dadkii Soomaaliiyeed ee u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus.

“Madaxweyne Sharaf mudan iyo Walaal Qiimo leh, waxaan anigoo ku hadlaya magaca Qarankayga iyo Kayga Tacsi u soo gudbinayaa dhamaan Walaalaha Soomaaliyeed ee naftooda ku waayey Xanuunka Caalamka oo idil ka wada dilaacay ee COVID 19” ayuu yiri Erdogan.

Sidoo kale Qoraalka Madaxweynaha Turkiga uu soo diray ayaa lagu yiri “Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato dadaalaada ku aadan Ka-hortagga Cuddurka ka dilaacay dalkaaga”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu kulan la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaai Farmaajo, In kastoo aan la shaacin waqtiga iyo halka uu ka dhacayo kulankaas.

Shalay ayay aheyd markii dowladda Turkiga ay Magaalada Muqdisho keentay Deeq Caafimaad oo loogu talagalay in looga hortego faafida Cudurka Coronavirus iyo agabyo kale oo Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here