70 Kiis Oo Cusub Oo Coronavirus Ah Oo Maanta Laga Diiwaan Galiyay Somaliya

0
437

70 Kiis Oo Cusub Oo Coronavirus Ah Oo Maanta Laga Diiwaan Galiyay Somaliya

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 48 kamid ah ay rag yihiin 22-na ay haween yihiin. 3 qofood oo hor leh ayaa ka bogsooday xanuunka.

67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 3 bukaanna deegaanada Somaliland, waxaana 24-saac ee lasoo dhaafay Xanuunka u geeriyootay 3 ruux.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 671, waxaana guud ahaan ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here