Puntland oo sheegtay inay soo gaartay hal milyan oo dollar ka timid dowladda Federaalka

0
462

Puntland oo sheegtay inay soo gaartay hal milyan oo dollar ka timid dowladda Federaalka

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka tirsan Guddiga Gurmadka daadadkii ku fatahay Qardho ayaa sheegay inay soo gaartay lacag gaareysa hal milyan oo dollar oo ka timid dowladda Federaalka.

Lacagtan ayaa loogu tala galay gurmadka dhibaatadii ka dhalatay daadadkii labo maalin ka hor ku fatahay magaalada Qardho ee sababay khasaaraha naf iyo maalba isugu jira.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddi u magacawday gurmadka daadadka ku fatahay Qardho ee dhibaatada baaxada leh geystay, waxaana gudigaas oo durba dardar geliyay lacagta halka milyan ee loogu tala galay in gurmadka in wax loogu qabto dadkii dhibaatooyinka soo gaaray.

Magaalada Qardho ayaa waxaa ka socda gurmad ballaaran, waxaana gaaray deeq raashin ah iyo bustayaal loogu tala galay dadka ay saameeyeen daadadka ku fatahay magaalada ee guryahooda ku burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here