Actorka reer Hindiya Irrfan Khan Oo Geeri Yooday waxuu ahaa Muslim balse diinta islaamka u gafay kana hor yimid Soonka bisha Ramadaan iyo gowraca!!

0
1171

Actorka reer Hindiya Irrfan Khan Oo Geeri Yooday waxuu ahaa Muslim balse diinta islaamka u gafay kana hor yimid Soonka bisha Ramadaan iyo gowraca!!

Irrfan Khan inuu muslim ahaa kana dhashtay qoys muslim ah taasi shaki kuma jiro balse waxaa jirto xili uu u gafay diinta Islaamka weerarna ku qaaday cibaadooyinka waaweyn ee dadka muslimka ah sameyaan.

Irrfan waxuu kudhashtay kun bar baaray Jaipir Rajasthan waxuuna kasoo jeedaa qoys muslim ah dhowr jeer ayuuna qirtay inuu muslim yahay sido kale Filimada qaar xitaa waxuu ku muujiyay islaamnimadiisa waxuuna guursaday xaas hindinah misane atiriisho ah Sutapa Sikdar taaso labo wiil udhashay.

Hadaba maxay tahay waxa uu ka sheegay cibaadooyinka diinta Islaamka? Sanadkii 2016 ayee ahed xili Irrfan Khan xayeysiin u sameynaayey Filimkiisa Mardaari Jaipur ayuuna booqday si uu xayeysiin balaaran halkaas ugu sameeyo intuu la falgalaayey saxaafada Irrfan waxuu wax ka sheegay soonka bisha Ramadan iyo gowraca la sameeyo ciidaha muslimiinta.

Waxuu yiri isagoo ka hadlaayo bisha Ramadaan, “dadka (muslimiinta ah) intee bisha Ramadan Soomi lahaayen marka hore dareenkooda ha miizaamaan” hadalkaan ayaa muran weyn dhaliyay balse intaa kuma ekaan waxuu kaloo yiri.

“Hadaan muslim nahay waxaan gowracnaa xoolaha xiliyada ciidaha ah (ciidul Adhxa, ciidul Fitri iyo Muharam) ma fahmin ujeedka ka dambeya gowraca xoolahaas mida kale ma arag muslimiinta oo ka hadlayaan falalka argagixisada inta badan wey ka aamusaan.”

“Dadkeena noogi caansan ee muslimka sheegta argagixisada dhibkooda maxay oga aamuseen maxaa looga hadli la’yahay ileen magaca “Muslim” ayee wasaqeyeen oo diinta ayee nala sheegtaan.”

Irrfan hadalkiisa muslimiin badan ayaa ka carootay haba ugu horeyaan reer Rajasthan oo iyagi inuu aamuso u tilmaameen wadaaddada halkaas ugu waaweyn oo Irrfan usoo jawaabeen waxay dhaheen,”iska aamus jaahil ayaa ka tahay cibaadooyinka qaarkood waxaa kuufiican shaqadaada Filim jilista inaa ku ekaato ama hadii kale waad garaneysaa dhamaan cibaadooyinkan kaliya waxaad u sameyneysaa inaad hadal heyn ku abuurto Filimkaada cusub si loo daawado muran iyo hadal heyn abuur ayee kaatahay kaliya.”

Irrfan inkasoo khalad uu galay hadana marar badan waxuu qirtay inuu Muslim yahay towxiidkana heesto gafka ka dhacayna inuu ka towbad keenay iyo inkale anaga ma naqaano ileen waxuu duray soonka bisha Ramadan iyo gowraca cibaadada ah waxaanse leenahay Alle ha udanbi dhaafo hananu naxariisto walaalkeen muslimnimada nala sheegtay.

Previous article
Ajay Devgn, Priyanka, Karan Johar iyo jilayaal kale oo ka tacsiyoodeen geerida Irrfan Khan!!
Next article
Hrithik Roshan waa ooyay”indhaheyga wey ilmeyeen” ayuu yiri, Akshay iyo Kareena oo ayagana is celin waayeen dhimashada Irrfan Khan aawgii!!

Ali Aadan
RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

Home
Walee Bollywoodka uma kala harin inee ka tacsiyoodaan geerida Irrfan Khan: SRK, Aamir, xitaa RW!!

Home
Hrithik Roshan waa ooyay”indhaheyga wey ilmeyeen” ayuu yiri, Akshay iyo Kareena oo ayagana is celin waayeen dhimashada Irrfan Khan aawgii!!

Home
Ajay Devgn, Priyanka, Karan Johar iyo jilayaal kale oo ka tacsiyoodeen geerida Irrfan Khan!!

LEAVE A REPLY

Comment:

Name:*

Email:*

Website:
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.

POST COMMENT

Recent Posts

Walee Bollywoodka uma kala harin inee ka tacsiyoodaan geerida Irrfan Khan: SRK, Aamir, xitaa RW!!
Hrithik Roshan waa ooyay”indhaheyga wey ilmeyeen” ayuu yiri, Akshay iyo Kareena oo ayagana is celin waayeen dhimashada Irrfan Khan aawgii!!
Irrfan Khan waxuu ahaa Muslim balse diinta islaamka u gafay kana hor yimid Soonka bisha Ramadaan iyo gowraca!!
Ajay Devgn, Priyanka, Karan Johar iyo jilayaal kale oo ka tacsiyoodeen geerida Irrfan Khan!!
Amitabh Bachchan, Bhumi, Neha Dhupia iyo jilayaasha oohinta ka qubaneysa geerida Irrfan Khan aawgii!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here