Madaxweyne Waare “Doorasho Uma Soo Jeedno Ilaa Uu Coronavirus Dhinac Noo Dhaafo”

0
350

Madaxweyne Waare “Doorasho Uma Soo Jeedno Ilaa Uu Coronavirus Dhinac Noo Dhaafo”

Arrimo la xiriira xanuunka coronavirus ayaa saameeyay howlihii guud ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya, waxaana soo xoogeysaneysa cabsi xoog leh oo laga qabo inuu cudurku ku faafo halkaas.

Howlaha shaqo ee waaxyaha kala duwana ee maamulka ayaa hakad galeen, waxaana la joojiyay kulamadii golaha wasiirrada iyo Baarlamaanka.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo Hirshabeelle ay isu diyaarineysay soo xulidda xildhibaannada si ay madaxweyne cusub u doortaa. Balse taas ma sii soconeysaa?

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in “illaa ay xaaladda coronavirus dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada dowlad goboleedkiisa”.

“Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.

Sababtoo ah shirkii aan shalay galnay dooddeenna ugu badan waxay ku saabsaneyd saameynta dhaqaalaha ee gaareysa dadka shaqada maalinlaha ah ku nool ee aan mushaarka qaadanin,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waare oo hadalkiisa sii watay ayaa caddeeyay in waqtiga lagu guda jiro dhibaatada fayraska corona “aysan faraha la gali doonin howl ku saabsan doorashada”.

Tirada Fayraska corona ee Soomaaliya ayaa shalay kor u kacday in ka badan laba jibaar, waxayna gaartay 60 kiis iyadoo gobollo hor leh laga soo sheegay in cudurkan uu gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here