Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Kenya ugu geeriyooday Caronavirus xili ay…

0
355

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Kenya ugu geeriyooday Caronavirus xili ay…

Dalka Kenya ayaa waxaa kusii faafaya caabuqa saf marka ah ee Caronavirus, waxaana gobolo badan oo dalkaasi katirsan laga helay kiisas dhoor ah , waxaana jira dhoor qof oo dalkaasi ugu geeriyootay cudurkan.

Magaalada Nairobi waxaa shalay galinkii dambe caabuqa Caronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay cudurkan, muwaadinkan Soomaaliyeed ayaana maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa cudurkan.

Dowlada Kenya ayaa labo isbuuc kahor karantiishay muwaadinkan Soomaaliyeed ee geeriyooday kadib markii laga helay Caronavirus, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa ay aheyd mid kasii dareesay muwaadinkan Soomaaliyeed.

Gudaha Kenya waxaa caabuqa Caronavirus u kula dhacay muwaadiin Soomaaliyeed oo qaarkood la sheegay in xaaladooda wanaagsan tahay kaliyana laga helay caabuqa balse dhibaato kale aan qabin.

Dalka Kenya ay kunool yihiin Soomaali badan ayaa laga cabsi qabaa in cudurkaasi ku faafo deegaanada ay Soomaalidu ku badan yihiin, waxaana socda wacyi galin dadka loogu sheegayo in ay raacaan talooyinka dhaqaatiirta sidoo kale taxadar sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here