Puntland Oo Karantiishay Laba Qof Oo Looga Shakiyay Coronavirus

0
389

Puntland Oo Karantiishay Laba Qof Oo Looga Shakiyay Coronavirus

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay inay karantiishay laba ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay Xarun gooni ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga ka hortega COVID-19 ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in labada ruux markii laga shakiyay durbo laga qaaday baaritaano kala duwan dhawaana la shaacin doono Natiijada kasoo baxday.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in labadan qof uu mid kasoo jeedo dalka Yemen, halka qofka kalena uu yahay Nin Soomaali ah, isla markaana haatan xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale Guddiga ka hortega Cudurka COVID-19 ee Puntland ayaa kulan la qaatay Shirkadaha bixiya adeega Biyaha ee Magaalada Garoowe, iyagoona isku raacay sidii ay isaga kaashan lahaayeen sameeynta Goobo kala duwan oo dadka ay ku farxashaan.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaana si wadajir ah la isaga kaashado ka hortega faafida Cudurka Coronavirus.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here