Hargeysa: Dr. Yaasiin Carab Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Dhaliilay Inaanu Lahayn Nidaam Maamul

0
402

Hargeysa: Dr. Yaasiin Carab Oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Dhaliilay Inaanu Lahayn Nidaam Maamul

Maamulka Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo horey halkaas looga diiwaan-geliyay laba Kiis oo ah Cudurkaas.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirusn haatan aysan jirin qof Isbitaal ugu jiifta deegaanada Somaliland, isla markaana xaalada ay tahay sidii horey oo aanay jirin wax soo kordhay.

Waxaa uu sheegay Agaasime Maxamed Xergeeye in aysan jirin qof Cusub oo laga helay Cudurka, marka laga reebo labadii Kiis ee horey oo laga helay laba Nin oo ku kala sugan Magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay joogteeyaan faraxalka iyagoo adeegsanaya Biyo iyo Saabuun, iyo in la Ilaaliyo nadaafadda guud iyo midda gaarka ah ee bulshada.

Somaliland ayaa wada dadaadlo dhowr ah oo ay uga hortegeyso faafida Cudurka halista ee Coronavirus, waxaana ay joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee tegi jiray deegaanadooda, sidoo kalena waxaa ay xirtay Goobaha dadlka isugu tagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here