Ma Dhabbaa In Taliye Ka Tirsanaa Somaliland Xil Looga Dhiibay Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho?

0
499

Ma Dhabbaa In Taliye Ka Tirsanaa Somaliland Xil Looga Dhiibay Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho?

Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland General Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya in xil looga dhiibay saldhiga weyn ee ay dawladda Turkigu ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Generaal Bootaan xil looga dhiibay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho, hayeeshee wuxuu General Bootaan ku tilmaamay kuwo la been abuuray.

Taliyihii hore oo isagoo dalka dibadiisa ku sugan shalay la xiriiray wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yiri “Anigoo ah Jeneral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada ee Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah Waxaan beeninayaa wararkaas.”

Taliyihii hore ee Sirdoonka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yiri “Waar waxaan idin leeyahay Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, dhalasho Turki ahna maan qaadan. Markaas waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararkaas balse ay yihiin kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Bishii march ee kal hore xilka ka qaaday taliye Jaamac Maxamed Bootaan oo ahaa Taliyaha sirdoonka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here