Hub Iyo Dhar Ciidan Oo Sharci Darra Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
402

Hub Iyo Dhar Ciidan Oo Sharci Darra Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay

Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla Magaalada Addis Ababa.

Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban.

Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro.

Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xirtaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato.

Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250.

Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here