Madaxweynaha Puntland Oo Isbedel Ku Sameeyay Taliyeyaal Ciidan

0
369

Madaxweynaha Puntland Oo Isbedel Ku Sameeyay Taliyeyaal Ciidan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.
Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here