Puntland Oo Mar Kale Goob Fagaare Ah Ku Gubtay Qaad Si Sharci Daro Ah Loo Soo Galiyay

0
361

Puntland Oo Mar Kale Goob Fagaare Ah Ku Gubtay Qaad Si Sharci Daro Ah Loo Soo Galiyay

Ciidamo ka tirsann kuwa amniga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa xalay howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen Qaad si qarsoodi ah lagu soo galinayay Gaalkacyo.

Intaas kadib Ciidanka amniga ayaa Qaadka ku gubay Gudaha Saldhiga qaybta Booliska Gobalka Mudug, waxaana halkaas goobjoog ka ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali, Gudoomiye ku-xigeenka Gobolkaas Xasan Waardheere Iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka.
Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ka jawaabeen Amarkii Puntland ay ku mamnuucday Qaadka waxa uuna sheegay in lagu gubi doono meel kasto oo lagu arko qaad, Qofkasta oo lagu qabtana la xirdoono, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

Taliyaha Howgalinta Ciidamada Amaanka Gobalka Mudug ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in Ciidamada amniga Magaalada Gaalkacyo ay guteen wajabkii saarnaa iyagoona fulinaya amarkii dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Habeen hore ayay aheyd markii Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu gubay qaad badan oo si qorsoodi ah halkaas loogu iibinaya, waxaana Taliska Booliska Gobolka Bari uu sheegay in dadka ganacsiga qaadka laga qaadi doono tallaabo adeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here