Ra’isal Wasaaraha Hindiya Oo Cafis ka Dalbaday Shacabkiisa

0
469

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Oo Cafis ka Dalbaday Shacabkiisa

Ra’isal wasaare dalka Hindiya Narendra Modi ayaa cafis ka dalbaday

shacabka dalkiisa kaddib marki dalkaasi xayiraadda lagu soo rogay ay saameysay malaayin shacab ah.

Dowladda Hindiyana waxaa dhinacyo badan uga imanaya dhaleeceyn ku aaddan iney xukumadda Delhi iyada oo aan qorsha dajisan ay xayiraad dalka ku soo soo rogtay.

Mr Modi oo farriintiisa toddobaadlaha shacabka dalkaasi u jeediyey ayaa raalli gelin ka bixiyey saameynta xayiraadda ay shacabka dalkaasi u geystay.

Isaga oo sheegay inuu dalka Hindiya uu geeri iyo noolal u dhaxeeyo lana jooga xilligi dalkaasi la samata bixin lahaa.

Ku dhawaad 1.3 billion oo qof oo ku nool dalkaasi Hindiya ayey shaqa la’aan iyo gaajo soo foodsartay xayiraaddaasi awgeed.

Tobannaan kun oo qoxooti ah oo dalkaasi ku nool waxay ku qasbanaadeen iney magalooyinka lug kaga baxaan magaalooyinka oo ay tuulooyinka dib ugu noqdaan.

Wuxuuna Ra’isal wasaaruhu uu ku nuuxnuxsaday iney jirin waddo kale oo u furan dalka Hindiya oo aan ka ahayn in dalka xatiraad lagu soo rogo.

Gaar ahaanna waxaan si gaar ah cafis uga dalbanayaa walaalaha saboolka ah ee dalka Hindiya” ayuu yiri Modi.

“Waana ogahay dad badan oo guriyahooda ku sugan iney ii careysan yihiin maadaamaa aan wax badan ka xayiray.”

“Waana ogahay waxa ay dareemayaan balse ma jirto wadda kale oo lagula dagaallami karo Coronavirus, dalka Hindiya wuxuu ku jiraa xilli uu u dhaxeeyo geeri iyo noolal oo loo baahan yahay in la samata bixiyo.”

Mid ka mid ah shaqaalaha xoogsatada ah oo damcay inuu lug ku jaro masaafo dhan 270 km si uu ugu laabto tuuladi uu ka yimid balse dhexda ayuu ku geeriyooday.

Dowladda Hindiya waxay talaadadi shaaca ka qaadday iney qoondeysay miisaaniyad ka badan $22 balyan oo doolar oo wax looga qabanaya dadka saboolka ah ee ku nool dalka Hindiya.

Dalka Hindiya waxaa cudurka laga helay 1,000 qof iyada oo 25 qof cudurkaasi u dhinteen.

Wararki ugu dambeeyey ee Coronovirus ee caalamka:
Talyaaniga wuxuu cudurka ugu maanta ugu dhintay 756 qof halka tirada guud ee dhimashada dalka Talyaniga ay cagacageyneyso 11,000.
Dalka UK dadka cudurka u dhintay waxay marayaan 1,228 iyada oo kiisaska cudurka ee dalkaasi laga helay ay gaareen 19,522.
Dalka Suuriya waxay maanta Coronavirus ugu dhinta qofki ugu horreeyey.
Dalka Czech waxaa laga helay 2,697 13 qofna cudurka ayey u dhinteen.
Itoobiya waxaa maanta laga helay 3 kiis oo cusub, guud ahaan 22 qof ay tiradu mareysaa.
Dalka Kenya waxaa maanta laga helay 4 qof oo kale, tirada guud waxay gaadhay 42 qof.
New yor maanta oo keli ah waxaa laga helay 7,195, taasoo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 59,513.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here