Madaxda dalalka IGAD oo shir Muuqaal ka yeelanaya arrimaha cudurka Coronavirus

0
400

Madaxda dalalka IGAD oo shir Muuqaal ka yeelanaya arrimaha cudurka Coronavirus

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa shir ka yeelanaya xaalada cudurka Coronavirus COVID-19 sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalankaas, xilli cudurkan uu dhibaato xooggan ku haayo adduunka oo dhan oo la hakiyay dhammaan wixii isu socod ah.

Shirka Madaxda dalalka iyo dowladaha IGAD ayaa noqon doona mid muuqaal ah, maadaama aanay suura gal aheyn in Madaxda shir isugu timaado, sababo la xiriira faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Xogheynta IGAD ayaa shaacisay in shirka loo marayo muuqaalka la iskula xiriiro (Video Conference), iyadoo uu hagi doono Xoghayaha Guud ee IGAD Dr, Workneh Gabeyehu.

Madaxda IGAD ayaa ka wada hadli doona isku duwida iyo ka jawaab celinta gobolka ee kaga aadan xakameynta faafitaanka Coronavirus.

Shirka Muuqaalka ayaa dhici doona maanta oo taariikhda tahay 30 March, sida uu shaaciyay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Dalalka Gobolka ayaa joojiyay dhammaan isu socodka guud, sida duulimaadyada, iyadoo la xiray xuduudaha ay wadaagaan, si looga hortago loona xakameeyo cudurkan ku sii baahaya adduunka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here