Muuse Biixi Oo Kashifay Kulankii Dhexmaray Isaga Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
366

Muuse Biixi Oo Kashifay Kulankii Dhexmaray Isaga Iyo Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Tallaado labada Golle ee Baarlamaanka Somaliland kahor jeediyay khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, isagoo uga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa kulankii dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo kulankii uu soo qaban-qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee Addis Ababa ku dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay Muuse Biixi in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isaga iyo Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu doonayo inuu soo kala dhexgalo arrinta Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana labada dhinac uu dhex-dhexaadiyo, hayeeshee ugu dambeyn ay labada dhinac aqbaleen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad u sheegay inuu soo dhaweeynayo raali-gelintii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay dhibaatadii shacabka Gobolada Waqooyi u geysatay dowladdii Kacaanka, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magaca dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay Muuse Biixi ayaa waxaa uu tilmaamay in raali-gelinta uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo ay xumeeyneyso Safarka Magaalada Hargeysa, isla markaana aysan labada arrin is qaban karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here