DEG DEG:- Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
441

DEG DEG:- Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow uu halkaas uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa sida la sheegay mid gaari lagu xiray ayaa ka dhacay wadadda u dhaxeysa Isgooyska Xoosh ee degmada Dharkenley iyo EX: Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idacada dalsan u xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa mid ku xiranaa gaari aan la aqoonsan cidda iska leh iyo u jeedada loo bartilmaameedsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ayaa markiiba goobta gaaray waxaana la maqlay rasaas kooban oo muddo yar socotay welina faahfaahin hay’adaha amnigu kama aysan bixin qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here