Ma dhabbaa in Madaxweyne Farmaajo Uu Booqasho Ku imanayo Hargeysa?

0
430

Ma dhabbaa in Madaxweyne Farmaajo Uu Booqasho Ku imanayo Hargeysa?

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.

Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Farmaajo, oo madaxweyna ahi yimaado Hargeysa,isla markaana ay arrintaas si weyn uga soo hor jeedaan marna aysan aqbalayn.

“Anagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado diidimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado ayuu yiri” Guddoomiye Saleebaan.

Warar soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby in ay booqasho ku tegi doonaan magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here