Dhaawacyada Injineerada Turkiga Ee Qaraxii Ka Dhacay Afgooye Oo La Qaaday

0
532

Dhaawacyada Injineerada Turkiga Ee Qaraxii Ka Dhacay Afgooye Oo La Qaaday

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saakay waxaa soo Caga dhigatay diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga, isla markaana waxaa lagu qaaday dhaawacyada Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii dhawaan ka dhacay Degmada Afgooye.

Qarax loo adeegaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa lagu weeraray Injeerada Turkiga iyo Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ku howlanaa dhismaha wadada Isku xirta Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Lix ruux oo ahaa shaqaalo Turki ah ayaa saakay loo qaaday dalkaas iyo Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo dalka wax looga qaban waayee, iyagoona saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay lagu daaweeynayay Isbitaalka Digfeer.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa dhaawacyada Injineerada kusii sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona u rajeeyay in Caafimaad deg-deg ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkan Injeerada Turkiga iyo Ciidamo ilaalo u ahaa lagula eegtay halka loo yaqaano Boodboodka ee ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo waday dhisamaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here