Kenya oo cabsi ka muujisay Ayaxa ku wajahan beeraha Jaadka ee ismaamulka Meru

0
434

Kenya oo cabsi ka muujisay Ayaxa ku wajahan beeraha Jaadka ee ismaamulka Meru

Cayayaanka Ayaxa ayaa ku sii baahaya gudaha dalka Kenya isaga oo waxaana maanta lagu arkay gobolka waqooyiga degmada Igambe oo dhaca Ismaamulka Meru.

Arintaan ayaa walaac ku abuurtay beeraleyda qaadka kuwaasi oo ka baqdin qaba in Ayaxa uu cagta Mariyo.

Xoghayaha fulinta wasaarada Beeraha Meru Carol Mutiga ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Cayayaankan oo sadex qeyb ka kooban.

Mr Mutiga ayaa intaa raaciyay in aysan garaneyn halka uu Ayaxa ku dagi doono maadaama saacadii uu goynayo xawaare dhan 16 ilaa 19 kiilo Mitir.

Dowlada Kenya oo dhaqaale fiican ka hesha dhoofka qaadka ayaa ka cabsi qabta in uu Ayaxa baabi’yo beeraha ku yaal ismaamulka Meru.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here