Madaxweynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

0
481

Madaxweynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaaji Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo labadii maalmood ee tagtay ku sugnaa Asmara ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara ku soo sagootiyay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, waxaana muhiimadda booqashada Madaxweynaha Somaliya ee Eriteriya faah faahin ka bixiyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed Ahmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadalo qotadheer oo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimid iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinimada iyo iskaashiga loo dhan yahay.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Afwerki uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here