Booliska Kenya Oo Shaaciyay Tirada Askarta Looga Dilay Weerarkii Al-Shabaab Ee Wajeer

0
496

Booliska Kenya Oo Shaaciyay Tirada Askarta Looga Dilay Weerarkii Al-Shabaab Ee Wajeer

Dowladda Kenya ayaa War kasoo saartay Weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Gaari Bas oo ay la socdeen dad badan, kaasi oo ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska Booliska Kenya ayaa shaaciyay tirada Askarta looga dilay weerarkii Al-shabaab ee ka dhacay inta u dhaxeysa Mandheera iyo deegaanka Kutulo oo ka tirsan Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in weerarkaas looga dilay 7 Sarkaal, dhaqter iyo ruux oo aan weli la aqoon Meydadkooda, kuwaasi oo dhamntood la socday weerarkii ka dhacay deegaanka Kutulo oo ka tirsan Wajeer, iyagoona xiliga watay dhar caadi ah.

Sidoo kale laamaha amniga Kenya ayaa sheegay in Askartan la weeraray ay dib ugu soo laabanayeen shaqadooda, kadib markii ay soo dhammeysteen fasax kooban oo la siiyay.

Kenya ayaa tilmaamtay in Al-shabaab ay toogteen dhamaanba dadkii aan muslimka aheyn ee la socday gaariga Baska ahaa ee lagu qaaday weerarka.

Si kastaba Mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab, iyagoona xusay in ay halkaas ku dileen 10 ruux oo ay ku sheegeen inay Kiristaan ahaayeen, kuwaasi oo ka tirsanaa hay’adaha sirdoonka qarsoon iyo shaqaalaha dowlada Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here