Qoys Deganaa Hargeysa Oo Guriga Kusoo Dumay Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
415

Qoys Deganaa Hargeysa Oo Guriga Kusoo Dumay Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ku waramaya in Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Magaaladaas uu kusoo dumay qoyskii ku noolaa.

Guriga soo dumay ayaa ku yaalla Xaafada lagu magacaabo Birjeex oo ka tirsan Magaalada Hargeysan, isla markaana waxaa ku geeriyooday Qoyskii noolaa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Allaha u naxariistee waxaa halkkaas ku geeriyooday laba Caruur ah, Aabahood iyo Hooyadood, kuwaasi oo dhammaantood ku sugnaa Guriga soo dumay, waxaana Meydadka laga soo saaray dhismaha hoostiisa.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Somaliland ayaa goobta, kuwaasi oo soo qaaday Meydadka, isla markaana waxaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Hargeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here