Maxay ka dhigantahay Digniinta Uu Ra’iisul Wasaaraha Britain U Diray Madaxweyne Trump?

0
396

Maxay ka dhigantahay Digniinta Uu Ra’iisul Wasaaraha Britain U Diray Madaxweyne Trump?

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Madaxweyne Trump uga digay in uu ku taageero ololaha doorashada guud ee UK ka dhici doonto 12-ka bishan December 2019.

Donald Trump ayaa taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay qofka haatan ugu macquulsan.

Balse wareysi siiyay LBC, ayaa Ra’iisul Wasaare Johnson waxa uu sheegay in ay habboon tahay in labada dhinacba (UK iyo Mareykanka) midba uusan faragelin ololaha doorashooyinka dhinaca kale.

Trump ayaa lagu wadaa in Isbuuca soo socda uu Britain uga qeybgalo kulanka hoggaamiyeyaasha Nato.

Dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Madaxwryne Trump ayaa la qorsheynayaa in lagu beego xilli casho-shaqaf loogu sameyn doono qasriga boqortooyada Buckingham Palace, halkaasi oo boqoradda dalkaasi ay ku soo dhaweyn doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here