Abiy Ahmed oo wajahaya eedeymo la xiriira inuu hurinayo xasillooni darada ka jirta Somalia iyo Suudaanta Koofureed

0
469

Abiy Ahmed oo wajahaya eedeymo la xiriira inuu hurinayo xasillooni darada ka jirta Somalia iyo Suudaanta Koofureed

Bilo kaddib markii uu Abaal marinta Nabadda ku guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa uu wajahayaa eedeymo la xiriira inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, Bishii November labo warbixin oo Qaramada Midoobey ka soo baxday waxay ku eedeysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya intii uu ahaa Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inuu ku guuldareystay in horumar laga sameeyo hannaanka nabadda ee Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale waxaa Wargeysku sheegay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Soomaaliya.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

“Mid ka mid ah tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waa in aanan fara-gelin arrimaha gudaha ee dalal kale. Taasina waa diiwaankeena, ka deris wanaag ahaan waxaan ciyaarnay kaalin wax ku ool ah”ayuu yiri Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya.

Todobaadkii hore Madasha Xisbiyada oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin waxaa ay dowladda Itoobiya ku eedeeyeen faragelin inay ku heyso Soomaaliya, gaar ahaan inay dowladda Federaalka ka caawisay arrimaha ka jira Gobollada dalka

Madasha Xisbiyada Qaran (FNP) ayaa u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya warqad furan oo ay kaga dalbanayaan inuu joojiyo dib u cusbooneysiinta Itoobiya ee ku lug lahaanshaha arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM inay soo galeen gudaha Soomaaliya, iyagoo fulinaya arrimo sharci darro ah oo wiiqi kara dhismaha dowladnimada iyo hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Eedeymaha uu wajahayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo aaday, bilo kaddib markii uu ku guuleystay abaal marinta Caalamiga ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay dadaaladii uu ka waday Gobolka iyo is bedeladii uu la yimid, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here