Golaha Ammaanka oo kordhiyay mudada cunaqabateynta hubka ee saarneed Soomaaliya

0
591

Golaha Ammaanka oo kordhiyay mudada cunaqabateynta hubka ee saarneed Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxay kaga doodeen qaraar ay soo gudbisay dowladda UK oo ah qalin-hayaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka.

Qaraarkan ayaa ahaa cunaqabateynta hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha, waxaana Golaha ay ugu dambeyn u codeeyeen qaraarkaas, iyadoo muddo sanad lagu kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha ayaa cunaqabateyn ku soo rogay waxyaabaha kiimikada ee loo dhoofiyo Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in Guddiga Khubarada QM ee la socda arrimaha Soomaaliya in waxyaabaha qarxa ay ka sameeyaan Al-Shabaab

Codeynta qaraarkan ayaa waxaa ka aamusay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo dalka Equatorial Guinea, waxaana ay sheegeen in waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha uu ku jiro cunaqabateynta.

Waxaa kaloo Golaha uu cambaareeyay hubka iyo rasaasta sharci darada ee loo dhoofiyo Soomaaliya ee xadgudubka ku ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dhinaca kale Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle ayaa isna muujiyay sida ay uga xun yihiin muddo kordhinta cunaqabateynta hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here