Dagaal Culus Oo Ciidamada Puntland Iyo Alshabaab Ku Dhex Maray Gobolka Bari

0
488

Dagaal Culus Oo Ciidamada Puntland Iyo Alshabaab Ku Dhex Maray Gobolka Bari

Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho at ka helayso deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalyano ka tirsan Alshabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Alshabaab weerar gaadma ah at ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland at ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee gobolka Bari halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oo dhinacyadu Isku adeegsadeen

Dhinaca kalana Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalsan u xaqiijiyay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad isla markaana at dib u wiiqeen xogaggii ka tirsanaa Shabaab ee dagaalka ku so qaaday, Korneyl Maxamuud Maxamed (Aarsade) ayaa sheegay in labo askari ka dhimatay saddex kalena ka dhaawacmeen halka uu sheegay in Alshabaab ay ka dileen ilaa iyo 5 ka tirsan shabaabkii soo weerartamay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here