Kenya Oo Sheegtay In Dacwada ICJ Lagu Xalin Doono Hab Labada Dal Ay Ku Wada Qanci Karaan

0
449

Kenya Oo Sheegtay In Dacwada ICJ Lagu Xalin Doono Hab Labada Dal Ay Ku Wada Qanci Karaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay in arrinta ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinac oo la wada aqbali karo.

War qoraal ah oo barteeda Twitter-ka ay kusoo qortay Monica Juma ayay ku sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu u muuniyay inuu ku kalsoon yahay in kiiska Maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.

Dhinaca kale Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Si kastaba Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa Maanta ku heshiiyay in dib loo soo celiyo Cilaaqaadkii ka dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here