C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

0
447

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kaddib doorasho saaka ka dhacday magaalada Garowe.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax ayaa waxaa wareegii labaad u soo gudbay labo Musharax oo kala ahaa C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo C/jamaal Cismaan.

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ahaa ninka loo saadaalinayay ayaa wareeggii labaad helay codod dhan 46 cod, taasoo ka dhigan inuu helay aqlabiyada ugu badan Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale Musharaxii kale ee la tartamayay Cabdi Jamaal ayaa isna helay 17 cod, waxaana doorashada saaka ka dhacday Garowe ay aheyd mid isku bixis aheyd oo isugu jirtay khudbadaha musharaxiinta iyo codeyntii, iyadoo saanado gudahood lagu soo gabagabeeyay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib markii ay mooshin ka keeneen, waxaana muddo todobaad gudihiis ku dhacday xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore iyo doorashada Guddoomiyaha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here