Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay go’aanka Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ

0
494

Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay go’aanka Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aan ka soo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ taasoo markale ay dib ugu dhigtey dhagaysiga dacwada Badda ee Soomaaliy iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka maxkamada oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku qanacday go’aanka Maxkamadda, islamarkaana ay diyaarsan doonto qorshaheeda xilliga loogu tala galay in la yimaado Maxkamadda ee ku cad dib u dhigista maanta lagu dhawaaqay.

“Dowlada Soomaaliya hore ayay u diiday in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada balse aysan dowladu ka weyneyn go’aanada maxkamada.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Maxkamada ICJ waxay gelinkii dambe ee maanta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Hore ayay maxkamada ICJ dib u dhigtey dhagaysiga iyadoo sheegtay in 4-ta bisha Noofembar ee soo socota lagu waday in la dhageysto dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga cudurdaaratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here