Siciid Deni oo sheegay inuu dhexdhexaadinayo dowlada federalka iyo Maamulka Jubbland

0
456

Siciid Deni oo sheegay inuu dhexdhexaadinayo dowlada federalka iyo Maamulka Jubbland

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka qeybqaadanayso sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Boosaaso kadib markii uu ka soo qeybgalay xafladii caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in siyaasiyiin badan uu la kulmay ay diyaar u yihiin in la xaliyo khilaafkan balse ay jiraan labo ruux oo aan miisaan badan lahayn.

“Waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan gaar ahaan kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Inkastoo uu Madaxweyne Deni sheegay inuu ka qeybqaadanayo xalinta arrimaha Jubbaland,balse waxaa jira khilaaf u dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Puntland.
Maamul goboleedyada dalka ka jira oo hore u sameystay isbahaysi gaar ah ayaa hadda u kala qeybsan labo dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here