Boqor Raga Dalkiisa Ku Amray Inay Guursadaan Xaasasbadan

0
430

Boqor Raga Dalkiisa Ku Amray Inay Guursadaan Xaasasbadan

Boqorka Dalka yar ee Swaziland Mswati ayaa soo saaray amar adag oo faraya raggu dalkiisa
inay guursadaan laba xaas iyo wax ka badan, haddii aysan raggu sidaasi sameynina ay xabsi muteysan doonaan.

Boqor Mswati ayaa ku hanjabay in qof kasta kasta oo ka soo horjeesta go’aankan rag iyo dumarba ay wajihi doonaan xukun xabsi daa’in ah.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa Swaziland uu wajahayo xaalad aad u adag, taasoo ah in haweenku ay aad uga badan yihiin ragga, sidaa daraadeed ayuu sheegay in ragga Swaziland laga rabo inay guursadaan xaasas badan, si haweeney kasta ay u hesho nin guursada.

Boqorka dalka Swaziland ayaa waxaa uu qabaa 15 xaas waxaana uu leeyahay 25 carruur ah, halka aabihii oo ahaa boqorkii isaga ka horeeyay uu qabay 70 xaas wax ka badan iyo carruur tira 150 kor u dhaaftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here