Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay 2-Sanno Kadib Qaraxii 14-Ka Oktoobar

0
418

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay 2-Sanno Kadib Qaraxii 14-Ka OKTOOBAR

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii 14-ka Oktoobar Maanta oo kale ka dhacay Isgoyka Zoobe ee Magaalada Muqdisho,kaasi geystay dhimashada boqolaal shacab ah iyo dhaawaca boqolaal kale.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Musiibadii Qaraxii 14-ka Oktoobar.

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo weerarada ka dhan ah Al-shabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo lahaayeen Al-shabaab, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay gacanta ku haayeem.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here