Munaasabad Lagu Xusayo Qaraxii 14-Ka October Oo Ka Socota Muqdisho

0
400

Munaasabad Lagu Xusayo Qaraxii 14-Ka October Oo Ka Socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska 14-Ka October ayaa haatan waxaa ka socota Munaasabad lagu xusayo dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Munaasanadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo boqlaal shacab ah.

Sidoo kale waxaa daqiiqado kadib lagu wadaa in Isgoyska 14-ka October ay gaaraan Madaxda ugu Sareeysa ee dalka,iyagoona halkaas ka jeedin doona Khudbado kala duwan oo ay uga hadlayaan Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Maanta xiray Waddooyinka ugu muhiimsan isugu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Muqdisho.

Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay gaar ahaan Waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Isgoyska 14-Ka October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here