Waa kuwee Lixda dal ee diidday qaraarka Kenya ee ka dhanka ahaa Al Shabaab

0
528

Waa kuwee Lixda dal ee diidday qaraarka Kenya ee ka dhanka ahaa Al Shabaab

Lix kamid ah dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka hor yimid qaraar ay Kenya ku dooneysay in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow, kaas oo xannibaad adag saari lahaa ururka, laga soo xigtay diblumaasiyiin.

Balse hay’adaha caalamiga ee deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhibaato xun gaarsiineyso malaayiin qof oo ku nool deegaanada ay heystaan Al Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Dalalka kala ah Jarmalka,Belgium, Poland, Faransiiska, Kuwait iyo Mareykanka ayaa diiday meel marinta cunaqabateynta cusub ee ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Kenya ayaa dabada ka riixeysay tan iyo sannadkii lasoo dhaafay dadaallo cunaqabateyn lagu saarayo ururka kaddib weerarkii ka dhacay Huteel ku yaalla magaalada Nairobi.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, illaa 20 safiirro hore, Amniga Qaran iyo saraakiil arrimaha Gurmadka ah, ayaa horraantii bishan warqad u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin iyo madaxa hay’adda USAID Mark Green, waxayna ka dalbadeen in ay diidaan dalabka Kenya.

Dowladda Kenya waxay Al-Shabaab u aragtaa in aysan ka duwaneyn ururada kale ee ka jira caalamka ee cunnaqabateynta la saaray, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

In badan oo kamid ah shacabka ku nool Soomaaliya ayaa ku tiirsan gargaarka uga yimaado caalamka kaddib tobonaan sanno oo dalka ka taagnaayeen dagaallo iyo dhaqaale xumi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here