Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Dil Toogasho Ah Loogu Hanjabay

0
466

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Dil Toogasho Ah Loogu Hanjabay

Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”.

Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato.

Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”.

Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka.

“Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay Arbacadii qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah.

“Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”

Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb.

Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay.

Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya.

Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tiri Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com

Omar oo arrintaas iska dhicinaysa ayaa Talaadadii tiri “Dadka ku sugan 5th District ee gobolka Minnesota ayaa 78% ii codeeyay oo i doortay, xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ima soo dooran.

Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen.

Arbacadii wuxuu Twitterka ku soo qoray in ay Ilhaan tahay “Cadawga Israa’iil” wuxuuna soo qaatay weerarkii dhawaa ee Donald Trump.

Trump ayaa cunsurinimo lagu eedeeyay bishii Luulyo ka dib markii uu ku baaqay in dumarka congress-ka ku jira ay “ku laabtaay dalalkooda “aan wax jira ahayn ee musuqmaasuqa ah,” iskastoo uusan magacyo sheegin.

Twitterka uu qoray ka dibna dad halhays ka dhigtay “dib u celi” ayaa codka isla helay iyadoo uu Trump khudbad ka jeedinayo isu soo bax.

Ilahaan ayaa sheegtay in ay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha.

Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay in ay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xiriiriyay in uu dareen dhexmaray.

Ilahaan ayaa diiday in ay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday in ay ka faalooto nolosheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here