Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

0
410

Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulamo ka bilaabay Muqdisho, iyadoo kulankii u horeeyay ay la yeesheen qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda.

Kulankan ayaa ujeedadiisa aheyd sidii loo dhageysan lahaa aragtida xisbiyada siyaasadda ee kaga aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu gacanta ku haayo Guddiga uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka.

Sharciga doorashooyinka Qaranka ee ay gacanta ku hayaan Guddigan ayaa la doonayaa in laga talo geliyo qeybaha kala duwan ee bulshada, maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda, si kama dambeys loo soo saaro sharci loo dhan yahay.

Guddigan ayaa la filayaa inay safaro ku tagaan deegaanada maamul goboleedyada, si qeybaha bulshada iyo maamulada ay uga dhageystaan aragtidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here