Soomaaliya oo ka soo horjeeda in Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamiga ee QM

0
453

Soomaaliya oo ka soo horjeeda in Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamiga ee QM

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka, ee ku saabsan in Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamka.

Abuukar Baalle ayaa ka warbixiyay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaaday tallaabadaas, isagoo xusay in haddii qaraarka nambarkiisa yahay 1257 loo adeegsado in Al-Shabaab lagu daro liiska Argagixisada ee Golaha Ammaanka uu keeni karo dhibaato bani’aadanimo, sida goobaha ay maamulaan in aan gargaar la geyn karin, haddii ay musiibo dhacdo.

“Al-Shabaab waxaa horay Liiska Argagixisada ku daray Mareykanka, qorshaha Kenya wadato ee ah in liiska argagixisada Golaha Ammaanka lagu daro labo arrinba waa inoo soo baxday oo ah xayiraada nambarkiisa yahay 1257 ma qabo aragti bini’aadanimo, meesha ay joogaan AlShabaab hadii musiibo ka dhacdo waxba lama geyn karo oo gargaar, Taasi waxaa Soomaaliya ku taageeray dhamaan hay’addihii ka shaqeynayey bini’aadanimadda,  Hay’addahan oo badankooda ah kuwa Mareykan ah ayaa dowladooda Mareykanka waxay ka codsadeen in ay qaadacdo soo jeedinta xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Nairobi”ayuu yiri Abuukar Baalle.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay adeegsaneyso dhammaan hey’adahooda dowliga ahaa, xitaa Baarlamaankooda, waxaana uu is weydiiyay sababta Kenya ay horay ugu ogolaatay in la dhoofiyo dhuxusha oo la mamnuucay in haatan ay u dooneyso in Al-Shabaab lagu daro liiska xayiraada 1257.

“Al-Shabaab lacagta ugu badan waxay ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo gobolada Koonfureed, marka la dhoofinaayo, waxaa kor-taagan askar Kenyan ah, annaga sawirraan haynaa, waxaan haynaa xaqiiqo, qoladii guddiga xayiraada ayaa xitaa soo qoray, oo dhahaaya, waan soo aragnay, ma ahan waxaan aniga dhahaayo, iyagaa soo qoray oo ahaa, Kenyanka iyagoo jooga ayaa meesha laga dhoofinaya’ marka waxaad ii sheegtaa, Kenya iyadda oo ogolaatay in dhuxusha la dhoofiyo oo Al-Shabaab lacag ka sameyso, sababtee ayey u ogolaatay in Al-Shabaab lagu daro 1257″ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Golaha Wasiirada ayaa horay walaac uga muujiyay arrinta codsiga Kenya ee ku aadan in Al-Shabaab lagu daro liiska Argagixisada Caalamiga ee Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 1257.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here