Waddama Yurub ka tirsan oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa

0
392

Waddama Yurub ka tirsan oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa

Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii.

Dadka burcadka ee dadka tahriibiya ayaa weli sii wada howlahooda tahriibinta oo ay sida weyn ugu macaashaan tahriibayaasha qaaradda Afrika ka soo jeeda ee doonaya iney Yurub gaaraan. Dalka Liibiya ayaana waddanka ay dadkaasi marin ahaan u adeegsadaan balse waa dal rabshado iyo qalalaasyo colaadeed ay hareeyeen.

Muhaajiriin badan ayaa xerooyinka ay magafayaasha ku hayaan kala kulmo gaaja, macluul iyo nafaqa darro iyaga oo xeebaha Liibiya ka soo raaca doomo tayadooda aad u liito oo aan nafta lagu biimeyn karin.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, iyo Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa gacanta ku haya markab badda ka howlgala oo dadka muhaajiriinta ah badda looga soo badbaadiyo.

Markab Ocean Viking oo badda ka wada howlaha badbaadinta muhaajiriintaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMarkab Ocean Viking oo badda ka wada howlaha badbaadinta muhaajiriinta

Faransiiaka ayaa wuxuu oggolaaday inuu qaabilo 150 qof, halka Portugal ay qaabileyso 35 qof. Balse waddamada kale tirada dadka ay qaabilayaan ma aysan sheegin.

Madaxa arrimaha dadka muhaajiriinta ee Yurub Dimitris Avramopoulos ayaa sheegay in mudda ahba uu socday wada xaajood ku saabsan sidi ay dadkaasi qoxootiga ah u qaabili lahaayeen Malta iyo lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Talaadadi ku dhawaad 100 muhaajiriin ah oo ku sugnaa markaba badda taagnaa 19 cisho ayaa loo diiday inuu ku soo xirto jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga. Waxaana dadkaasi iney qaabilaan oggolaaday shan dal oo midowga Yurub ka tirsan oo keli ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa markabka muhaajiriinta badda ka soo badbaadiyey ugu baaqay inuu ku soo xiran Talyaaniga. Iyada oo hadalkiisaasi uu ka dhashay kacdoon siyaasadeed oo ugu dambeynta sababay inuu xisbigiisa uu ku waayo heshiiski xulafanimo uu la galay xisbiga populist Five Star.

Mr Salvini wuxuu boggiisa tweetarka uu ku soo qoray: “Sida aan horayba u ballaan qaaday uma oggolaan doono dadka muhaajiriinta ee ku sugan markabka Ocean Viking inuu Talyaaniga ku soo xirto. Wax walbana waxaan ka horreysiineynaa ammaanka muwaaddiniinta Talyaaniga!”

Wuxuu sida oo kale waddamada ay saaxibbada yihiin ee Yurub uu ku eedeeyey iney doonayaan Talyaaniga iney galiyaan khatar ah inuu noqdo “Xerada qoxootiga Yurub”.

Iskuduwaha hay’adda MSF Jay Berger, oo ku sugan markabka Ocean Viking dushiisa wuxuu sheegay inuu dhammaaday “dulqaadki dheeraa ee la sugayey”

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegya seddex meelood meel iney muhaajiriintaasi ka soo jeedaan Suudaan, halka inta kalana ay ka soo jeedaan Galbeedka Afrika. 100 ka mid ah dadkaasi da’dooda waxay ka hooseysa 18 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here