Dowladda Kenya oo u hambalyeysay dib u doorashada Axmed Madoobe (

0
473

Dowladda Kenya oo u hambalyeysay dib u doorashada Axmed Madoobe

Dowladda Kenya ayaa u hambalyeysay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo arrintan ay si dhow u muujineyso galaangalka weyn ee ay ku leedahay arrimaha Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ammaan loogu jeediyay Baarlamaanka Jubbaland, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo diinta iyo qeybaha bulshada reer Jubbaland sida nabadda leh ah ee ay ugu qabsoontay doorashada.

Kenya ayaa sheegtay inay weyli diyaar u tahay mar walba inay taageerto, iyadoo oo la jaanqaadeysa siyaasadeeda aas aasiga ah xoojinta deris wanaagga, isla markaana la sii wado nabadda iyo xasilooni waarta inay ka hirgasho Gobolka

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Maamulka Jubbaland inay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si meesha looga saaro fikradaha kala duwan, iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo qaab dhismeedka sharciga, si loo galo marxalad cusub oo dib u heshiisiin ah.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here