Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn lagu diley saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0
458

Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn lagu diley saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ku diley saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Sh/hoose.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeynta lala beegsaday gaari ay wateen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa lagu diley afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Saraakiishan ayaa sidoo sheegtay in duqeyntan aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah balse lagu diley sarakaal u qaabilsanaa Al-Shabaab arrimaha sirdoonka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Maraykanka oo hore duqeyntan uga fulin jirtey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here