Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saddex Shabaab ahaa ku toogatay Magaalada Muqdisho

0
579

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo saddex Shabaab ahaa ku toogatay Magaalada Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa saaka xukun dil ah waxa ay ku fulisay saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Shabaab, kuwaasi oo gaystay weeraro.

Saddexda ruux ee saaka maxkamadda ay toogatay ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul Buluuziya ee Degmada Xamar Jajab, halkaasi oo lagu dilay.

Eedeysanayaasha ayaa waxa uu kiiskooda ahaa inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood laba ee Degmada Xamar weyne, sanadkii 2017-kii.

Saddexda Nin ee saakay Maxkamadda xukunka dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji.

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay horay dil toogasho ugu xukumeen ragga saakay la toogtay ee lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here