DEG DEG : Dagaal Duleedka Ceerigaabo Ku Dhex Maray Somaliland Iyo Jabhada Caare

0
724

DEG DEG : Dagaal Duleedka Ceerigaabo Ku Dhex Maray Somaliland Iyo Jabhada Caare

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamada qaranka somaliland ay dagaal kula jiraan jabhadii Kornayl Caare oo soo gaadhay deegaanka Dhoob oo 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada qaranka somaliland hor istaageen jabhada kornayl Caare oo doonayey inay dhufays dagaal ka samaystaan buurta Daallo isla markaana ay galaan aaga ka ag dhaw buurtaasi.

Dagaalka oo socda awgii Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Col Caare.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel Afweyn iyo dagaalada dhexmaraya kooxda Kornayl Caare iyo ciidamada qaranka somaliland

Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, walking and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, beard and outdoorImage may contain: one or more people and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here