40 ruux Muhaajiriin ah oo lagu laayay duqeyn ka dhacday dalka Libya

0
553

40 ruux Muhaajiriin ah oo lagu laayay duqeyn ka dhacday dalka Libya

Ku dhawaad 40 ruux ayaa ku geeriyootay, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 80 ruux, kadib markii duqeyn lagu garaacay xero ay ku sugnaayeen dad muhaajiriin ah dalka Libya.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday xero ku taallo duleedka Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto.

Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here