Laba ruux oo ku geeriyootay dagaal Ciidanka Puntland iyo Koox hubaysan ku dhexmaray duleedka Boosaaso

0
469

Laba ruux oo ku geeriyootay dagaal Ciidanka Puntland iyo Koox hubaysan ku dhexmaray duleedka Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa duleedka Magaaladaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland & Koox hubaysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen deegaanka Mareero oo qiyaastii 10 Km u jirta Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya dableyda hubaysan & Ciidanka inuu dagaal dhexmaray taasi oo sababtay geerida laba ruux.

Dableyda hubaysan ayaa ah kuwa wax tahriibiya waxaana la sheegay shalay galab askari ka tirsan Ciidamada Puntland inay dileen, saakana sidaasi loogu weeraray deegaankan.

Ciidamada Puntland ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii hubaysnayd qaarkood oo hadda gacanta Ciidanka amniga ku jira.

Illaa hadda Saraakiisha ammaanka Gobolka Bari kama aysan hadlin dagaalkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here