DEG DEG : Qarax gaari oo ka dhacay Agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

0
571

DEG DEG : Qarax gaari oo ka dhacay Agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax labaad oo goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho iyadoo xilligii uu dhacayay ay ahayd xilliyada ugu saxmada badan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari nuuciisu ahaan NOAH oo waxyaabaha qarxa saarnaayeen.

Gaariga qarxay ayaa laga shakiyay kahor inta uusan qarxin, waxaana rasaas lagu riday gaariga ku dhaawacmay ninkii waday gaariga iyadoo gaarigana uu qarxay daqiiqado kadib markii laga soo dejiyay gaariga.

Lama khasaaraha ka dhashay qaraxan oo ah kii labaad ee ka dhaca magaalada Muqdisho maanta iyadoo labada qaraxna ay u muuqdeen kuwo aan gaarin bartilmaameedkooda oo ay fashiliyeen ciidamada amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here