Marwo Faaduma Geedi oo xadgudub loogu Geestay xarunta Baarlamaanka Kenya

0
585

Marwo Faaduma Geedi oo xadgudub loogu Geestay xarunta Baarlamaanka Kenya

Xildhibaanka bariga Wajir ee dalka Kenya Rashiid Khaasim Amiin ayaa Khamiista maanta ah u gacan qaaday haweeneyda baarlamaanka Kenya u matasha dumarka Wajir Fatuma Gedi.

Ms Gedi ayaa la sheegay in uu xildhibaankan ku dhex Feeray goobta la dhigto gawaarida ee xarunta Baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi.

Rashiid ayaa la sheegay in uu ka carooday sababta marwa Fatuma Gedi oo ka tirsan gudiga Miisaaniyada u qaabilsan Baarlamaanka aysan ugu darin qoondada lacageed oo Bariga Wajir.

Muranka Fatuma Gedi iyo Rashiid Khasim Amiin oo ah xildhibaano matala wajir ayaa ugu danbeyn dhaliyay in xildhibaanka in uu gacan qaado deetana uu goobta ku Feero.

Laamaha Booliska ee xarunta baarlamaanka Kenya ayaa la sheegay in ay daawanayeen.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay haweeneydaan oo ooyneysa carabkeedana uu dhiig ka Socdo.

Marwo Fatuma Gedi ayaa ugu danbeyn lagu daaweeyay Isbitaalka magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here