Banaan Baxayo Rabshado Wata Oo Ka Bilaabmay Magaalada Baladwayne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Iyo Shacabka Oo Ku Baaqay In Uu Waare Xilka Dego

0
610

Banaan Baxayo Rabshado Wata Oo Ka Bilaabmay Magaalada Baladwayne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Iyo Shacabka Oo Ku Baaqay In Uu Waare Xilka Dego

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saaka degan, kaddib banaan baxyo rabshado watay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada, kaddib markii uu gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Isu socodka dadka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ayaa caadi ku soo laabtay xaafadaha qaar oo ay dibad baxyadu ka dhaceen, kaddib markii shalay dhagxaan lagu gooyay, laguna gubay taayaro.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo la leh odayaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka, si xaalada loo dejiyo, waxaana kulamada socda qeyb ka ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Mr Caraale.

Sidoo kale Saraakiisha AMISOM ee Jabuuti ayaa ka qeyb qaadanaya xal u helida xiisada, iyagoo kulamo la leh Mas’uuliyiinta maamulka iyo odayaasha dhaqanka.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Beledweyne, si ay qeyb uga noqdaan dadaalada la doonayo in xal looga gaaro xiisada ka jirta magaalada ee ka dhalatay xil ka qaadista Yuusuf Dabageed.

Talaadadii la soo dhaafay ayay aheyd markii iska hor imaad ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here