Maamulka Puntland oo heshiis lagu dhisayo deked la saxiixday shirkad Shiinees ah

0
524

Maamulka Puntland oo heshiis lagu dhisayo deked la saxiixday shirkad Shiinees ah

Maamul goboleedka Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxiixday shirkada China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC).

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing.

Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taal magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here