Golaha Ammaanka oo isku raacay Kun Askari oo Amisom in dalka laga saaro

0
654

Golaha Ammaanka oo isku raacay Kun Askari oo Amisom in dalka laga saaro

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in Soomaaliya laga saaro 1,000 Askari oo ka mid ah ciidanka Amisom ee hawlgalka ka waday Soomaaliya 10-kii sano ee ugu dambeysay.

Kulan ay yeesheen Jimcihii Golaha ammaanka ayay ku sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg ah loo dhimo Ciidanka Amisom Sanadooyin soo socda si sare looga qaado tababaradda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qorshaha lagu dhimaayo Ciidanka Amisom ayaa waxaa soo jeedisay dowladda UK oo sheegtay in loo baahan yahay in tiradda Ciidanka Amisom ee ku sugan Soomaaliya hoos loo dhigo.

Ciidanka Amisom ee Milatariga ah ayaa lagu waddaa in la gaarsiiyo illaa 19,626 Askari, lana kordhiyo Booliska Amisom oo la gaarsiinayo 1040-askari oo Boolis ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in ay wel wel badan ka qabaan weeraradda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya, islamarkaana arintaasi ay sii kordhisay Cabsi dhanka Ammaanka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here